4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Soomaaliland oo ka digtay in la wax yeelleeyo dadka ka soo jeeda Qowmiyada Oromada

 

Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Iyadoo tiro ka badan 32 ruux oo Soomaali ah lagu dilay deegaanka lagu magacaabo Hawadaay ee Bariga Itoobiya, ayaa waxaa oo baxaya digniino la xiriira in la wax yeelleeyo dadka ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee ku nool Soomaaliland.

Wasiiru dowlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay VOA ayaa sheegay in labo ruux oo u dhashay ama ka soo jeeda Qomiyada Oromada la dilay.

‘’Waad ogtihiin in labo ruux ka soo jeeda qowmiyada Oromada la dilay kuwaa oo hadda meydkooda yeelo Hargeysa, sidaa daraadeed waxaa ka digeynaa in la wax yeeleeyo dadka ka soo jeeda ama u dhashay Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada’’ ayuu yiri wasiiru dowlaha amniga.

Waxaa uu sheegay in dadka lagu laayahay deegaanka Hawadaay ee dalka Itoobiya qaarkood ka soo jeedaan Soomaaliland, sidaa daraadeed laga yaabo in ehelada dadka la dilay weeraraan dadka ku dhax nool ee ka soo jeeda Itoobiya.

‘’Laamaha amniga waxaa la farayaa in ay sugaan nabad-galyada, ilaaliyaan amniga dadkaas oo aan wax yeelo loo geysan ayuu yiri’’ Maxamed Muuse Diiriye.

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal Soomaali ah lagu laayay xuduuda uu maamulka la wadaago Oromiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]