3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sheegay in lalaayay boqolaal Soomaali ah

 

Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) Wasiirka u hadlay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal Soomaali ah lagu lalayay sida uu hadalka u dhigay xuduuda u dhexeysa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Oromada.

Wasiirka dhalinyada Maxamed Bille 'Miig' oo u waramay BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo aad u badan lagu laayay deegaanada xuduudaha ee ay wadaagaan maamulada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuuna falkaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Oromiya.

"Dhimasho aad u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayeey gaarayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay" ayuu yiri wasiir Maxamed Bille.

Waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Oromiya ay mar walba weerar ka soo qaadayaan sida uu hadalka u dhigay deegaannada ay xuduuda kala wadaagaan.     

‘’ Waxaa mar kasta weerarada soo qaadaya waa ciidamada booliiska Oromiya, meelaha aan xuduudaha ka leenahay shacabka degan ayay kusoo qaadaan, iyada oo dadka shacabka ee Soomaalida ah ee halkaas degen ay yihiin dad nabadgelyada jecel, waxayna soo weeraraan iyaga oo qaabaysan oo nidaam dowlad ku socda, dad badan ayaana ku naf waayay, dad kalana waa la barokiciyay" ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili tiro ka badan 30 ruux la sheegayin lagu dilay deegaanka Hawaday ee qaadka laga beero ee u dhow magaalada Harar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/14/2017 1:01 PM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) - Ra’iisul ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay Bandhiga Carwada Buugaagta oo sanadkii 3aad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

9/14/2017 10:50 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Iyadoo tiro ka badan 32 ruux oo Soomaali ah lagu dilay deegaanka lagu magacaabo Hawadaay ee Bariga Itoobiya, ayaa waxaa oo baxaya digniino la xiriira in la wax yeelleeyo dadka ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee ku nool Soomaaliland.

9/14/2017 8:41 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) - Shirka Khamiislaha ee todobaadkiiba mar ay yeesheen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya uuna shir guddoomiyay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa looga wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020ka.

9/14/2017 6:35 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Magaalada Jowhar waxaa maanta ku soo dhamaanaya khubadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, doorashada la filayo in ay dhacdo 16ka bishan maalinta Sabtida ah.

9/14/2017 5:56 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL)–Waxaa maalintii labaad galay magaalada Muqdisho Bandhiga Carwada buugaagta oo sanadkii Saddexaad lagu qabanayo Muqdisho.

9/14/2017 4:30 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay labo darawal oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka Bajaajka.

9/14/2017 4:17 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Yusuf Garaad Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

9/14/2017 4:08 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Maamulka Sare ee Hiiraan Online ayaa raali galin buuxda ka bixinaya war ku soo baxay Website –ka 12kii bishan September oo ku beegneyd Talaadadii todobaadkan.

9/14/2017 2:49 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Wasiirka wasaarada duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda duulista hawadda ee ICAO waxaa ay ka wada hadleen sidii dhaqse dowladda Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hawaddeeda loogana soo rari xarunta maamulka hawada magaalada Nairobi iyadoo loo soo wareejinayo magaalada Muqdisho.

9/14/2017 2:20 AM EST
Khamiis,September, 14, 2017 (HOL) –Magaalladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maanta lagu soo gaba-gabeynayaa dhageysiga khudbad jeedinta Musharxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle.

9/14/2017 12:37 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Golaha amaanka ayaa dowladda Myanmar ugu baaqay in ay joojiso Ololaheeda military ee ka dhanka ah Muslimiint Rohingya.

9/14/2017 12:32 AM EST
Khamiis,September, 14, 2017 (HOL) –Dab xooggan ayaa ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur'aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah, taas oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia, sida dowladda ay sheegtay.