4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Hiiraan Online : Raalin galin war ka dhan ahaa maamulka Jubbaland oo ku soo baxay Website-ka todobaadkan

 

Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Maamulka Sare ee Hiiraan Online ayaa raali galin buuxda ka bixinaya war ku soo baxay Website –ka 12kii bishan September oo ku beegneyd Talaadadii todobaadkan.

Warkan oo baaritaan kaddib la ogaaday in uusan laheyn xigasho rasmi ah (Source) leysku haleyn karo ayaa mar kale waxaa uu maamulka Sare Hiiraan Online raali galin buuxda ka siinayaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Gedo ee ka tirsan maamulka warkan lagu daabacay Page -ka.

Warkan oo soo qalad ah ku soo gallay Website –ka Hiiraan Online ayaa waxaa si qaatay oo Copy ka sameeyay Website-yo kale oo Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]