4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda ICAO oo kala saxiixday heshiis ku saabsan maamulka hawadda Soomaaliya

 

Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Wasiirka wasaarada duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda duulista hawadda ee ICAO waxaa ay ka wada hadleen sidii dhaqse dowladda Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hawaddeeda loogana soo rari lahaa xarunta maamulka hawada magaalada Nairobi iyadoo loo soo wareejinayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo wafdigii socdaalka ku wehlinayay waxaa ay kulan gaar ah kula qaateen magaalada Montreal ee dalka Canada xoghayaha guud ee hay’adda ICAO haweenayda lagu magacaabo Drs Fang Lie iyo saraakiil sare oo ka socday hay’ada ICAO,waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya iyo sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisa maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xog-hayaha guud ee Hay’ada ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duuliymaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

“Kulan aan qaadanay madaxda Hay’adda ICAO wuxuu ku saabsanaa sidii maamulka hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho,in si dhaqsi ah arrintaasi ay u dhacdo, ayaan ka wada hadalnay,waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in hay’adda FISS oo hadda Nairobi ku maamusho hawada Soomaaliya ay ugu soo wareejin lahayd Muqdisho”, ayuu yiri Maxamed C/llaaahi Salaad.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad iyo Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskaashiga ee hay’addaasi ICAO Ivan Galan ayaa si toos ah u kala saxiixday haeshiiskaasi, iyadoo la filayo in dhawaan magaalada Muqdisho laga maamulo hawadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]