4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo soo gaba-gabeynaya dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta

 
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Magaalladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maanta lagu soo gaba-gabeynayaa dhageysiga khudbad jeedinta Musharxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle.

Musharixiinta ayaa shalay bilaabay dhageysiga khudbadaha, waxaana ay dhageysteen ilaa dhowr musharax.

Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax laqanyo, Maxamed Cabdi Waare iyo  C/kariin Cali Nuur, ayaa kamid ah ahaa musharixiintii shalay khudbadaha jeediyay.

Dhinaca kale maanta musharixiinta hartay ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu ka dhegeysto khudbadaha.

16-ka bishan oo ku beegan maalinta sabtida, ayaa lagu wadaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guud ahaan ammaanka magaalladda ayaa si weyn maanta loo adkeeyay, waxaana Jowhar, dhawannadii lasoo dhaafay ku qul-qulayay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Dhammaan siyaasiyiinta Soomaalidda iyo kuwa gobolka ayaa isha ku haya doorashada 16-ka bishan ka dhici doonta Jowhar.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia