4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2017
25 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur'aanka kariimka oo ku taalla Malaysia

 
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Dab xooggan ayaa ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur'aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah, taas oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia, sida dowladda ay sheegtay.

Ugu yaraan 25 arday iyo macalimiin ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul islaami ah oo lagu hoydo, kaasi oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia.

25-ka qof ee dhintay waxaa ku jira ah 23 arday iyo laba waardiye, Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay sidaasi wakaalaada wararka ee AFP.

Waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa sheegtay in gawaarida dab-damiska ay gaareen goobta daqiiqado gudahooda.

7 qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen, waxaana lasoo samatabixiyay 11 qof oo kale.

Waxaa la baarayaa sababta dhalisay inuu dab ka kaco iskuulkan. Ardaydaan ayaanan da'dooda wali la shaacinin.

Dowladda ayaa dabkaasi ku tilmaamtay musiibo aad u wayn, waxaana saraakiisha laammaha ammaanka ay ku doodeen in baaritaan dheer la sameeyo.

Qaar kamid ah waalidiinta carruurtooda ay geeryoodeen ayaa dhinaca kale dowladda k dalbaday in baaritaan la sameeyo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia