Jimco, September,01, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto, laakiin waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono.
"Maxkamadda go'aan ay gaartay fikir ahaan ma taageersani , laakin waan xushmeynayaa ‘’ ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo jawaab celinayay go’aankii lagu laalay guushiisii doorashada.
Maxkamada sare marnaba ma aysan eedeynin Uhuru Kenyatta iyo xitaa kooxdiisii olalaha doorashada, laakiin waxaa ay sheegtay in guddiga doorashada aysan u dhaqmin si waafaqsan xeerarka doorasho ee dalka u degsan.
Bulshada reer Kenya ayuu ugu baaqay Uhuru in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka iyo nabada, iyadoo aan qofna loo eegin fikirkiisa siyaasadeed iyo qowiyada uu ka soo jeedo
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]