Shirka Wadatashiga Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaaradaha maamul gobolleedyada oo ka furmay Muqdisho
Talaado, October, 31, 2017 (HOL) – Shirka oo ay ka qeybgalayaan dhamaan wasiirada
warfaafinta dowlad gobolleedyada dalka ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaarada
warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka.
Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada warfaafinta
xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow, guddoomiyaha guddiga
warfaafinta baarlamanka, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, iyo dhamaan wasiirada
dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo
Galmudug.
Shirka oo socon doona muddo Labo cisho ah ayaa looga wada hadlayaan
iskaashiga warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan dowladda, mideynta xiriirka
wada shaqeynta u dhaxeysa labada dhinac . xeerka saxaafada hor yeela baarlamaanka
iyo ka shaqeynta nabada ee guud ahaan hay’adda warbaahinta.
Kulanka ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee dhinacyada ay arintan quseysa ay
ku yeeshaan magalada Muqdisho
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]