4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2017
Haweenney ku dul Umushay Diyaarada Jubba Airways xili ay ku jirtay dullimeedkeedii caadiga ahaa

 

Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Waxey aheyd dhacdo cajiib ah oo isugu jirtay badbaadin iyo naf hurnimo kaddib markii Haweenney ku dul Umushay diyaarada Jubba Airways xili ay ku jirtay dulimaadkeedii caadiga ahaa.

Diyaarada oo ka soo duushay magaalada Hargeysa kuna soo jeeday Muqdisho dullimaadkeeduna ahaa ilaa Nairobi ayaa xili ay dulmareysay deegaanka Qabri Dahare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhulkana u jirtay 32,000 (Soddun iyo labo kun) oo cagood (feet)] waxaa uu mid ka mid ah rakaabkii la socday oo lagu magacabo Maxamed Cali Jimcaale ku soo wargaliyay shaqaalaha Jubba Airways in ay jirto qof dumar ah oo xanuunsaneysa islamarkaana u baahan in la caawiyo.


Inj. Kaamil A. Olol Diinle


Hasse ahaatee markii uu warka arintan ku saabsan soo gaaray howlwadeennada waxaa markiiba gurmad u sameeyay Injineerka diyaarada oo lagu magacaabo Kaamil Olol Diinle oo ka soo kaxeeyay hooyada xanuunsaneysa halkii ay diyaarada ka fadhiday isaga oo keenay qeybta Business Class –ka, kaddib markii la ogaaday in ay foolaneyso.

Injineer Kaamil ayaa codbaahiyaha diyaaradaha ku weydiiyay rakaabka bal haddii ay jirto qof taqaana cilmiga Umuliso-nimada , waxaana nasiib wanaaag la helay Umuliso Xafsa Axmed iyo kalkaaliso Safiyo Ceydiid oo labaduba ka howlgalay in ay si caadi ah u dhasho Hooyada magaceeda lagu soo koobay Ibtisaam oo umushay Wiil. 

Arrintan oo ah mid Dhif iyo Naadir ah ayuu qof ka mid ahaa dadkii la socday diyaarada ku caawiyay wiilka yar Buste la huwiyo.

Kabtanka diyaarada oo lagu magacaabo Capt Nish Seebran oo xiriir la soo sameeyay garoonka diyaaardaha magaalada Muqdisho waxaa uu codsaday in laga hormariyo dayaaradaha kale , waxaana uu kordhiyey orodkiisa isaga ka soo hormaray 10 daqiiqo waqtigii caadiga ahaa loogu talgalay in ay diyaarada soo caga dhigato si loo badbaadiyo xaalada caafimaad ee Hooyo Ibtisaam iyo Ilmaheeda yar ee ku dul dhashay diyaarada.

 

Wararkii ugu danbeeyay oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in Hooyo Ibtisaam iyo Wiilkeeda Yar oo loogu magac darray [Kaamil] caafimaadkoodu wanaagsan yahay.

Sida duulimaadyada caalamiga ah ee adduunka, haddii uu canug ku dhasho dayaaradda oo ku jirta duulimaad , waxaa uu shirkada diyaaradaas ku yeeshaa xuquuq ah dulimaad lacag la’aah ah inta nolashiisa ka dhiman, lamana oga in Shirkada Jubba Airways Kaamil Yare ka heli doono xaquuqdaa taa la mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]