Axad, October, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo
saaray weerarkii galabta Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee
degmada Xamar weyne, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas.
War saxaafadeed goor sii horeysay laga soo saaray Madaxtooyada, saacado
kaddib qaraxyadii gil gilay Hotelka Naasahablood 2 ayaa lagu sheegay in
weerarkaas aanu marna niyad jebin doono qorshayaasha iyo howl galada dowladda.
“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu
Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey
weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo
caafimaad deg-deg ah.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid ay doonayso argagixisada
Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay
musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay
muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.
“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa
iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu
nabadaynayo dalka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka
noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo
howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka
argagixisada Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]