Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay weerarka Hotelka Naasa Hablood
Sabti, October, 28, 2017 (HOL) - Qaraxyo is xig xigay ayaa ka dhacay
magaalada Muqdisho waxaana qaraxa hore uu ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee
degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.
Qarax Labaad ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo la dhigay Agagaarka Daljirka Dahsoon ee magaalada
Muqdisho.
Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi, islamarkaana
ay dadka shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka Agdhawaadaan.
Warar kala duwan ayaa wali ka soo baxaya weerar Ismiidaamin iyo mid toos ah
isugu jiray oo ka dhacay Hotelka Naasa Hablood oo ugu yaraan 10 ruux lagu
waramayo in ay ku dhinteen.
Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil ka tirsan
ciidamada dowladda federaalka.
Hotelka la weeraray ee Naasahablood 2
ayaa ku dhaw xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaanay Godka
Jilacow, sidoo kale waxaa uu kaabiga ku
hayaa xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu yaalo Koontaroolka laga ilaaliyo
Madaxtooyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]