Dowladda oo war ka soo saartay geerida Jen Maxamed Abshir Muuse
Khamiis, October, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal
wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa
tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid
Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada
booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.
Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse ayuu sheegay ra’iisal wasaare
ku-xigeenku in uu ahaa wadani qeyb weyn ka soo qaatay sida uu hadalka u dhigay xoriyada
aynu maanta harsaneyno, xilal kala duwanna ka soo qabtay dowladdihii dalka
isaga danbeeyay.
“Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa
Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska
Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga
baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna
Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaciisa
ka tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]