Shir looga hadlayay hormarinta Tamarta dalka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho
Khamiis, November, 09, 2017 (HOL) – Shirka oo ahaa mid u dhaxeeyay dowladda
Soomaaliya, Ganacsato iyo deeqbixiyeyaal oo labo cisho ka socday magaalada
Muqdisho, ayaa ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay qodobo dhowr oo ay ugu
muhiimsan yihiin in la helo siyaasad iyo sharci jaangooynaya horumarka Tamarta,
in la helo shirkadihii fulin lahaa howshaas, in la helo maal-gelin gudaha iyo
dibedda ah iyo qorshe gundhig u ah horumarinta Tamarta.
Cabdiqaadir Rafiq, Madaxa mashruuca deegaanka iyo Tamarta ee hey’adda UNDP
waxaa uu warbahinta Dowladda u sheegay in mashruucan uu wax badan u tari doono
shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faraxsan yihiin qodobada muhiimka ah ee ka soo
baxay shirkooda.
Wasiirada iyo xubnaha kale ee matalayay maamul goboleedyada dalka ayaa si
wada jir ah u tilmaamay in qodobada ka soo baxay shirka ay dhamaantood yihiin
kuwa loo baahnaa, ayna diyaar u yihiin dhinacooda in ay dhaqan geliyaan.
Sidoo kale, ganacsatada ayaa shirkan qeyb ka ahaa waxayna dhankooda sheegeen in
ay soo dhaweynayaan qorshaha lagu horumarinayo Tamarta wadanka.
Hanaanka dhalinta Tamarta dalka ayaa ah mid Matoor oo marka laga soot ago in
uu qiimo ahaan sareeyo yeelan kara saameyn kale.
Mashruucan oo ay maalgelinayaan Hay’addaha iyo dalalka Soomaaliya taageera
ayaa loo qorsheeyay in uu socdo Shanta Sano ee nagu soo foolka leh, horumarinta
Tamarta dalka ayaana ka mid ah waxyaabihii looga hadlay shirkii London ee
bishii May la qabtay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]