Arbaco, November, 08, 2017 (HOL) - Khubaro arrimaha hubinta dukumentiyada u
qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka
qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.
Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay kaddib safaro uu
agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer Yurub oo uu kala hadlay in ay
aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya.
Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darrada laga saaro dalalka hore u
joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.
Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen mas'uulyiin ka tirsan Hay’adda
Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee
booliiska CID si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu
qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta CID kula kulmeen taliyaha
laanta danbi baarista Booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.
Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta dad dhigista ee gobolka
Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada dhalashada iyo
Sugnaanta.
Khurbada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho
waxayna mid mid u tageen xafiisyada hay’adda si ay u arkaan habka bixinta
Baasaboorka.
Agaasimaha guud ee HSJ Maxamed Aadan Koofi ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga
khubarada ah markii ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimaadeen, waxaana
wafdiga ay Agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan
xafiisyada loo maro qaadashada Baasaboorka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]