4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Madaxweyne ku xigeenaddii soo maray Somaliland oo ku baaqay in la joojiyo hadalada Amniga waxyeelaya

 

Isniin, November 06,  2017 (HOL)- Ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa maraya wareegii lixaad ee isku soo baxa uu xisbi walba maalin gaar ah leeyahay, taas oo noqonaysa wareegyadii u dambeeyey.

Saddexda xisbi ayaa ololihii ugu kululaa ku dhex marayaan gobolada Bariga, waxaana wareegii lixaad ka bilaabmay gobolka Sanaag oo xaruntiisa magaaladda Ceeri-gaabo iskugu yimaadeen musharaxiintii xisbiyadda, waxaana dhoolatusyo waaweyn ku dhigayaan fagaarayaasha gobollka si xisbi walba awooda uu ku leeyahay gobolkaasi usoo bandhigo.

Musharaxiinta xisbiyadda KULMIYE iyo WADANI ayaa hadaladii ugu kululaa isku marinaya hawadda, isagoo mid walba ka kale daacayado uu codka kaga kasbado ku dhaliilaya xisbiga iska soo horjeedaan, haseyeeshee hadaladda ayaa dadka waxgaradka ah u arkaan mid amniga waxyeeli kara haddii aan la joojin.

Madaxweyne ku xigeenaddii Somaliland soo maray ayaa musharaxiinta saddexda xisbi iyo taageerayaashoodda ugu baaqay inay joojiyaan hadaladda turxaanta iyo colaadaha abuuri kara ee masuuliyiinta xisbiyaddu hawadda isku marinayaan.

Madaxwyne ku xigeenadan Somaliland soo maray wakhtiyo kala duwan ayaaa kala ahaa Axmed Yuusuf Yaasin oo ah madaxweyne ku xigeenkii Daahir Riyaale Kaahin, iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ah ku xigeenkii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, sidoo kale waxa isna la aragti ahaa balse sababo caafimaad uga maqnaadan kulan Xasan Ciise Jaamac oo madaxweyne ku xigeen u ahaa madaxweynihii ugu horeeyey 1991kii Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur).

Sidoo kale waxaa ay xisbiyada siyaasada ku hirdamaya u soo jeediyeen inay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabad-galiyada qaranka Somaliland si ay ugu yimaadan dal nabada iyo dad nabada, waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen waxaa amniga qaran leeyahay burburin kara.

Dhanka kale waxaa ay madaxdani ku macneeyeen dhawaqyada ka soo yeedhaya taageerayaasha xisbiyada siyaasada inay yihiin qaar ay ka dhaxleen madaxdooda.

“Musharixiintu waxaad mooda inay asluubtii iyo dhaqankii ololuhu u soconayay ay majaro habaabiyeen, sababta oo ah aflagaado hadal xanaf leh, waxyaabo hore oo aan loo baahneyn in la xasuusto, oo dib loo xoqo oo xasaasiya oo badan ayay ku hadlayaan oo aan habooneyn oo aan tartanka hufan ee loo baahan yahay in lagu tartamo ka baxsan akhlaaqiyaadkeedi, dhalinyarada iyo dadweynuhu toona layaab maleh waayo awrba awrka hore ayuu socodkiisa leeyahay, waanad og tihiin taageerayaashu waxaa ay ku hadaaqayaan waana aflagaadada ay ka maqleen madaxdooda”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumadda Daahir Rayaale ayaa isna usoo jeediyey musharixiinta inay ka fogaadaan wixii dhibaato abuuri kara.

“Laba jeer oo hore ayaa doorashada leysu haneeyay maantana waxaan filayaa in leysu haneyn doono, saddex doorasho madaxweyne oo aan ka dhicin Africa, dawlad yar oo ku taala geeska Afrika oo aan la Citiraafsaneyn oo heerka gaadhay waa Illaahey mahadii tanise waxaa weeyi inaanay inaga qaloocan ee maantana madaxweynihii saddexaad ula wareego sitoosa oo nabad-galiyo ku dhacday, amaanku waa nolosha bini’aadamka iimaanka qofka amaanka ka horeeya, amaankana waanu ku taameynaa, hadaba amaanka maxaa baabi’iya? Waxaa ugu weyn ee abniga baabi’iya ee dawlad kaxeeyaa waa fisiqa maanta waxaa la kireeyay laba kun oo guri iyo laba kun oo kale oo aan la ogeyn taasi waxaa ay baabi’ineysaa abnigeeni joogtada ahaa oo si dadban ayay u baabi’ineysaa waa sidii ka hor intii aynaan qixin oo kale markaa waxaan leeyahay abnigeena aynu ilaashano, Madaxweyne barigii hore anaga ayaa helay oo waad noo haneysay, 2010-kiina adaa naga helay oo waanu kuu haneynay maantana waxaad dhiibtay kursigii oo waxaad tidhi soo noqonmaayo, waa go’aan geesinimo leh laakiin maanta waxaad bilada ku qaadaneysa go’aanka aad ka gaadho markay nimankaasi kala helaan in ninkii hadalkeena aad tidhaahtid joog taasi ayaad ku qaadaneysaa bilada”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Si kastaba ha ahaaatee, wareegii u dambeeyey ee toddobaad ayaa u hadhay, waxaana ololaha xisbiyadda la soo afmeerayaa maalinta Jimcaha, iyadoo maalmaha Sabtidda iyo Axada la nasin doono si maalinta Isniinta doorashada loogu dareero.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.