Soomaaliland oo ka jawaabtay digniin uga timid maamul gobolleedka Puntland
Isniin, November, 06, 2017 (HOL) - Iyadoo dhawaan Puntland uga digtay Soomaaliland in Sanaadiiqda codeynta la geeyo
deegaanno qaar oo Puntland ay isku hayaan Soomaaliland, ayaa waxaa arintaan ka
jawaabay wasiirka Amniga Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye.
Wasiirka ayaa sheegay in digniinta iyo hanjabaada uga timid Puntland tahay
oo kaliya mid Afka ku kooban, laakiin baaqaya iyo digniinta ay dhinacooda
dirayaan tahay mid dhab.
‘’Annaga muddo dheer ayaan ka shaqeynay in nabada lagu wada noolaado iyo
daris wanaag, iyaga oo laftirkooda [Puntland] arrintaa wey nagala shaqeeyeen,
laakiin erayada hadda ka soo yeeraya waa kuwo khatar ku ah nabad-galyada,
Digniintaa ka timid Puntland waa mid Afka ku uun ku siman, laakiin Annaga tan aynu
direynaa waa mid dham ah, waxaan leenahay xasiloonida iyo nabada halaga wada
shaqeeyo, haddii kale waxa xigaya waa la garan karaa’’ ayuu yir wasiirka.
Degaanada Soomaliland ayaa 11-ka bishaan looga dareeri doona doorashada madaxweyne,waxaana
Puntland ay sheegtay in gobollada Sool iyo Sanaag aysan ka dhici doonin doorashada
Somaliland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]