4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 6 , 2017
Wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland oo sheegay in uu xilka iska casilay

 

Isniin, November, 06, 2017 (HOL) – Wasiirkii shaqadda iyo arrimaha Bulshadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo iyo xubinimaddii golaha dhexe ee uu xisbiga KULMIYE ka ahaa, waxaanu ku sababeeyey is casiladaasi in aanu doonayn in codka deegaannkiisu ku dhicin meel aan ku haboonayn.

“Waxaan u sheegayaa cid kasta inaan si buuxda uga baxay oo aan iska casilay guddida ololaha xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal ka dib markii aan arkay ama ay ii cadaatay in hawshaas majaraheedii la lumiyey, qof kaliyana ay gacanta u gashay, cid qabata oo tubtii ku soo celisana la waayey, waxa kale oo aan cadaynayaa inaan gabi ahaanba ka baxay xisbiga Kulmiye ka dib markii aan ogaaday ama ay ii cadaatay in codka shacabka deegaanka aan ka soo jeedo uu ku dhacayo meel aan abaal iska daaye mahadsanidu ku adag tahay.”ayuu yidhi Obsiiye wasiirkii hore ee shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

Mar uu ka hadlayey iscasilaadiisa golaha wasiiradda waxa uu yidhi “Ma jirto waxa ceeb ah oo aan ka sheegayo xukuumada iyo madaxweynaha si wanaagsan ayaanu u soo wada shaqaynay, si wax ku ool ah ayaanu u soo wada shaqaynay si nadiif ah ayaanu soo wada shaqaynay, waxaanan cadaynayaa inaan xilkaas laftirkiisa dhigay oo aan ka tagay, arimo dhawr ah oo iiga soo baxay xisbul xaakimka kulmiye ee ay xukuumadu ka soo jeedo, kuwaas oo aan faah faahin doono dhawaan, xukuumada iyo madaxweynaha xilka ii magacaabayna waan u mahad celinayaa istiqaaladaydana sifo maamul ahaan ayaan ilaa bari ugu gudbin doonaa.”

Wasiirkan iscasilay ayaa isku deegaan ka soo wada jeedaan musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADANI Maxamed Cali,taas oo la doonayo in codka deegaanka musharaxa la mideeyo si aanay u qaybsamin, waana sababta keentay iscasilaadda wasiirka.

Sidoo kale, waxa maalmaha dhow la filayaa in masuuliyiin kale oo isku deegaan yihiin musharaxa madaxweynaha ee xisbiga WADANI iyaguna xukuumadda iska casilaan, taas oo inta badan iska dhacda mar walba oo doorashaddu soo dhowaato in masuuliyiinta ay isku deegaanka yihiin musharaxa madaxweynaha ama ku xigeenka is casilaan si aanay u kala dhantaalin codadka deegaankooda oo meel kaliya iskugu yimaaddo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.