War-murtiyeed laga soo saaray shirkii wasiirrada warfaafinta DF iyo maamul gobolleedyada
Axad, November, 05, 2017 (HOL) - Shirkan
Wadatashiga ah oo looga hadlayay iskaashiga, mideynta iyo horumarinta
warbaahinta dalka, ayaa Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka,
Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah
wuxuu uga furmay 31kii Oktoober 2017 Hoteelka Jaziira ee magalada Muqdisho.
Kullanka, ayaa socday muddo shan
maalmood ah 31dii Oktoober ilaa 04tii November, 2017.
Shirkan, waxaa si rasmi ah u furay
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan
(Eng. Yarisow). Sidoo kale Waxaa ka soo qaybgalay Wasiiru Dowlaha Warfaafinta,
Isgaarsiinta iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir, Wasiirka
Warfaafinta, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada Dowlad Goboleedka Jubbaland
Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee
Koofur-Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,
Hannuuninta, Dhaqanka & Dalxiiska ee GalMudug Maxamuud Aadan Cusmaan
(Masagawaa), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska HirShabelle, Mahad
Xassan Cusmaan, Agaasimaha Warbaahinta G/Banaadir Abdifatah Arizona, Guddiga
Saxaafada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Guddiga
Saxaafada Aqalka Sare Senator Muna Hassan. Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay Xeer
Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Mudane, Dr.Axmed Cali Daahir , iyo Bahda Warbaahinta
qeybaheeda kala duwan, sida NUSOJ, SWJ, SOMA, SIMHA, iyo kuwa kale.
Kulanka 5ta cisho socday, ayaa looga
dooday qodobada ay ka mid yihiin:
1-
1 -Xoojinta Iskaashiga Qaybaha Kala
Duwan Ee warbaahinta dalka kadib Masiibadi 14 iyo 28ka Oktoobar.
2- 2 -Mideynta Hawlaha Iyo Fariimaha Warbaahinta Dowliga ah ee Soomaaliya.
3- Dib u eegista Xeerka Saxaafadda, iyadoo Guddiga Golaha Shacabka warbixin
laga dheagaystay.
4- Doodda Wadatashiga xasilinta dalka ee Doorka dowladaha bulshada, saxaafadda
gaarka loo leeyahay.
5- Istaraatiijiyadda Wacyigalinta iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta
Dalka
Waxaa lagu heshiiyay qoddobadan soo
socda:
1.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay u mahad celiyeen Wasaaradda Warfaafinta
Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha xubnaha ka ah
dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida wanaagsan ee ay u soo abaabushay
shirkan muhiimka ah.
|
2.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen una
mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta ee doorkooda ku aadan
wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda la xiriira qodobada looga dooday
shirka. Sidoo kale waxaa lagu ammaanay warbaahinta doorkii ay ka qaateen gurmadka
dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Masiibadii Qaran ee 14kii iyo 28kii Oktoober
2017 kuna dhiirigeliyey inay joogteeyaan.
|
3.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen
baaxadda ay Lahayd musiibadii 14 iyo 28kii Oktoober iyo 28kii Oktoober ka
dhacday magaalada Muqdisho iyo sidii gacan looga gaysan lahaa sii wadidda
taakuleynta dadkii dhibaatadu saamaysay loogana midoobi lahaa masiibooyinka
qaranka.
|
4.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen
Wasaaradda Warfaafinta Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dawladaha
xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in ay ka wada tashtaan si cadaalad ku
salaysanna u qeybsadaan dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha
caalamku ay ugu yaboohaan dalka.
|
5.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha
xubnaha ka ah dowladda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku midoobaan
dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, Amniga, la dagaalanka
Musuqmaasuqa, Dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, La dagaalanka Jahliga iyo
Fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh
looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.
|
6.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay isla qaateen in warbaahinta dowliga ay
gudbiso farriimo mideysan, oo u adeegaya danaha Qaranka Soomaaliyeed, ayna
xoogga saarto ka hortagga fikirka xagjirka ah, isla markaana la helo xarun
dhexe oo soo saarta barnaamijyo si rasmi ah ugu wajahan ka hortagga
fikirkaas, kadibna laga baahiyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka
heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
|
7.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen baahida loo qabo in la
dhameystiro istaraatiijiyada Warbaahinta Qaranka si loo dhaqangeliyo.
|
8.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in la dhiso guddi farsamo, oo ka
kooban dhamaan dhinacyada, oo ka shaqeyn doona dhamaystirka istaraatiijiyadda
wacyigalinta iyo in uu kormeer joogto ah ku sameeyo guddigaasi ka wada
shaqeynta arrimaha soo kordha.
|
9.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha
iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay
sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso
marxaladda cusub, ayna si buuxda ula shaqeeyaan.
|
10.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen abuurista xafiiska
Istaraatiijiyadda Warbaahinta dalka, iyadoo ay dhinac ka ahaan doonaan
xafiisyadaas Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada, waxayna soo jeediyeen
in si deg deg ah loo howlgaliyo xafiiskaas, oo mas’uul ka ahaan doona
mideynta iyo hagista fariimaha warbaahinta dalka.
|
11.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay isla
qaateen in saxaafada aan loo adeegsan dhinaca xun ee loo adeegsado dhinaca
wanaagsan, lagana fogaado hadalada iyo wararka been abuurka ah.
|
12.
|
Ka Qeybgalayaashu waxey u mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha
Shacabka sida ay wadatashiyo ula sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada
dowlad goboleeyda, Waxayna ugu baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay
si hufan u meemariyaan sharciga saxaafadda, si loo dhaqangaliyo.
|
13.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay
tilmaameen ahmiyadda dhamaystirka xeerka saxaafadda, waxayna ku baaqeen in
tallooyinka Dowladaha xubnaha ka ah DFS lagu soo daraa ka dibna marka la isku
raaco ay Guddiga Saxaafada ee Baarlamaanka Soomaaliya horgeeyaan G/Shacabka
si loo ansixiyo.
|
14.
|
Ka Qeybgalayaashu waxey u
mahadceliyay Guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacabka sida ay wadatashiyo ula
sameeyeen bahda saxaafadda iyo wasiirada dowlad goboleeyda, Waxayna ugu
baaqeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay si hufan u meemariyaan sharciga
saxaafadda, si loo dhaqangaliyo.
|
15.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay ku
heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, laguna qabto Dhamaan xarumaha Dowladaha
xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilliyo kala duwan,
iyadoo kan ugu horeeya la isku raacay in uu ka dhaco magaalada Garowe ee
caasimadda Puntland.
|
16.
|
Ka qeybgalayaashu, waxay isla
garteen in Warbaahinta Dowladda ahmiyad siiso wadashaqeyntooda, iyagoo
heshiisyo wadashaqeyn kala saxiixday, islana gartay in la sii xoojiyo
wadashaqeynta iyo xiriirkooda.
|
17.
|
Ka qeybgalayaashu, waxey ka
qeybgaleen xaflada lagu xusayo maalinta isla xisaabtanka falalka dambiyada ah
si loo sharciga loo horgeeyo dadka dambiilayaasha ah (Impunity Day), iyagoo
ka codsaday hay’adaha amniga iyo garsoorka inay dabagal ku sameeyaan sidii sharciga
loo horkeeni lahaa dhammaan danbiilayaasha ku xad-gudbay wariyeyaasha
Soomaaliyeed. Waxeyna dawlada ka codsadeen inay abuurto jawi xasiloon oo amni
iyo nabadeyn ka jirto si wariyeyaasha ay howlahooda u gutaan si daacad ah.
|
18.
|
Ka Qeybgalayaashu, waxay isku
raaceen in Bahda Warbaahinta iyagoo la tashanaya wasaaradaha warfaafinta heer
Federaal iyo Dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya in guddi
farsamo loo saaro oo soo diyaariya Anshaxa weriyeyaasha (code of ethics) sida
uu farayo Xeerka Saxaafada.
|
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]