4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 5 , 2017
Roob khasaare geystay oo xalay ilaa saakay ka da’aya magaalada Muqdisho

 

Axad, November, 05, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka da’ay Roob xoog leh oo ilaa saakay saameyn adag ku yeeshay isku socodka magaalada, waxaana la soo sheegayaan khasaare nafeed oo ka dhashay roobka.

Roobka oo xoogiisa da’ay saqdii dhexe ee xalay ayaa saameyn weyn ku yeeshay dadka degan xeryahay barakacayaasha magaalada Muqdisho, waxaana illaa iyo hada la xaqiijiyay geerida carruur ka tirsan qoysaska barakacayaasha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xerooyinka baracayaasha ee ku yaalla degmooyinka Yaaqshiid, Kaxda iyo Boondheere ay dad ugu geeriyoodeen, kaddib daadad ka dhashay roobabkaas.

Saameynta Roobkan ayaa laga yaabaa in ay sii xoogeysato, maadaama tan iyo saaka ay roobabka da’ayaan, waxaana degmooyinka qaar la soo sheegayaa in biyo badan ay dadka guryaha ugu galeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]