4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 4 , 2017
Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada AMISOM

 

Sabti, November, 04, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan ra’iisal wsaaraha xukuumadda Soomaaliya, saraakiisha ciidamada qalabka sida, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka ciidamada AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa diirradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

Intii  uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo Al-shabaab, iyada oo la islameel dhigay kaalinta ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.

Danjirayaasha dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay madaxweynuhu, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha madaxda Soomaaliya heer Qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiiri-galinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]