4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Kulan Cilmiyeed ku saabsan xaalada Caafimaad ee dalka oo Muqdisho lagu qabtay


Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) – Jaamacadda SIMAD ayaa soo qabanqaabisay Kulan Cilmiyeed looga hadlayay xaaladda caafimaadka ee dalka, kaasoo lagu soo bandhigay cilmi baarisyo la xiriira arrimaha caafimaadka.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka, dhakhaatiir, cilmi baarayaal, bulshada rayidka, wasaaradda caafimaadka, iyo Ardayda Caafimaadka ka dhigata Jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo dhibaatooyinka caafimaadka ayadoo loo marayo hanaanka cilmi baarista iyo baahinta xogaha (Research and Publications).

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada tashado sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa horumarinta iyo hagaajinta adeegyada caafimaadka ee dalka guud ahaan lana mideeyo awoodaha kala duwan ee hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka.

Kulanka waxaa si qota dheer looga dooday arrimmaha soo socda:

1. Adkaysimaha jeermigu u leeyahay daawada (Antibiotic Resistance Crises)

2. Caadooyinka qaldan ee lagu daweeyo haweenka (Gynecology Malpractices )

3. Sare u kaca cudurka kaankarada (Cancer Cases)

Shirkaan waxaa si wayn loogu lafa guray baahida loo qabo Arrimaha soo socda:

1. Dhisidda guddi Sare ee caafimaadka (Medical Council)

Waxaa la isla gartay in ay lagama maarmaan ay tahay in la helo gole ama guddi ka shaqeeya diyaarinta iyo hirgelinta shuruucda lagu maamulayo caafimaadka dalka. Sidaaas darteed waxa ay ka qeyb galayasha shirkani ku taliyeen in Wasaaradda Caafimaadka sameyso golahii sare ee caafimaadka ee dalka.

2. Adeegsiga cilmi-baarista iyo baahinta aqoonta (Research and Publications)

Shirweynuhu waxa uu isla gartay in ay muhim tahay in la sameeyo cilmi baaris baahsan oo la xiriirta cudurada ku soo noqnoqda dalka iyo guud ahaan xaaladda caafimaad ee dalka .

3. Ururinta xogta caafimaadka

Dhammaan isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka waxaa muhim ah in ay keydiyaan xogta bukaanka ay daweeyaan ayagoo adeegsanaya technology-ada casiriga ah, si loo helo xog rasmi ah oo la xiriirta cudurada iyo xiliyadda ay tahay in laga hortago.

4. Tayaynta adeegyada caafimaadka

Waxaa laga maarmaan ah in kor loo qaado tayada dhammaan adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaakdka ee dalka.

5. Habraac daweynta cudurada (Medical Guidelines)

Waxaa dhammaan aqoonyahanki ka soo qeyb galay shirka isla garteen in ay iska kaashadan samanynta habraaca dawenyta, ayadoo ay iska kaashanayaan wasaarada caafimaadka, guddiga sare ee caafimadka ee dalka iyo jaamacadaha bixiya culuumta caafimaadka.

6. Samaynta Xarumo lagu daweeyo cudurada halista ah

Waxaa dalka ku yar xarumaha lagu daweeyo cudurada halista ah sida kaankarada (Cancer), siadaa daraadeed waxaa hoosta laga xariiqay baahida loo qabo in la sameeyo xarumo caafimaad oo u gaar ah daweynta dadka la nool cudurada halista ah

7. Kullamo iyo wadatashiyo joogto ah

Dhamaan Aqoonyahankii ka soo qeyb galay shirka waxaa ay boggaadiyeen Jaamacada SIMAD oo soo abaabushay shir cilmiyeedkii u horeeyay ee noocisa ee wadanka lagu qabto, waxaana la isla gartay in la joogteeyo shirarka noocan ah isla markaana lagu baahiyo guud ahaan gobolada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]