4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Maxkamadda Mandhera oo xabsi dheer ku xukuntay Nin ka tirsanaa Ururka Al-shabaab

 

Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) – Maxkamad ku taala Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi-Bari, dalka Kenya ayaa xukun ku riday nin lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdi Taakow oo ay soo qabteen ciidamada Asluubta bishii Sembtembar ayaa maanta lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah.

Sida ay maxkadda sheegtay, Cabdiraxmaan ayaa waxaa ku cadaatay in uu u shaqaynaayay Ururka Al-shabaab, iskuna dayay in uu gudaha u galo xerada ciidamada Asluub ee magaalada Mandera si uu xog uruurin uga sameeyo xerada.

Xuseen Cusmaan Mursal oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Asluubta ayaa ku marqaati furay Cabdiraxmaan, isagoo sheegay in eedaysanaha Xabsiga ka soo galay darbi dunsan oo ku yaala xabsiga.

‘’Anigoo waaridiye ka ah xarunta ciidamada Asluubta, ayaa waxaan arkay eedaysanahaan oo oo galaya xarunta, markaan qabtayna wuxuu ii sheegay in uu rabay in arrin uu u sheego booliska," ayuu yiri Xusseen.

Marqaati labaad ayaa maxkada u sheegay in cabdiraxmaan uu la socday ruux kale oo banaanka xarunta ku sugnaa, kaa oo baxsaday markii eedaysanaha la qabtay.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ayaa maxkamadda u sheegay in cabdiraxmaan suaalo badan oo la waydiyay kadib ay cadaatay in uu basaas u ahaa ururka Alshabaab.

Ugu dambayn, Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in cabdiraxmaan oo mudo ku noolaa magaalada Mandera u xog u gudbin jiray Ururka Al-shabaab, laguna xumayo 30 sano oo xarig ah.