4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Wasaaradda Maaliyada DF Soomaaliya oo hergalisay hab cusub oo ciidamada mishaar lagu siin doono


Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah furay diiwaangalinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay Askari walba mushaarkiisa uu ku qaadan doono Account u  gaarka ah.

Arintan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyleh ayaa ujeedkeedu waxaa ay tahay in laga maarmok habkii hore ee kaashka gacanta laga siin jiray ciidamada.

Wasiirka Maaliyadda Dr.  C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay haddii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah.

Diiwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.

Ciidamada xoogga dalka ayaan mushaarkooda si toos ah u helin waxayna ciidamada helaan dhowrkii bilood mar hase yeeshee lama oga sida ay suurtogal u noqon doonta in askar ku jira furimaha ama meelaha ka fogfog magaalooyinka ay ugu qaadan karaan mushaarkooda Account Bank.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]