4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Golaha wasiirada Jubaland oo meelmariyay Miisaaniyadda sanadda 2018


Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Kulanka Todobadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland maanta waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, miisaaniyadda iyo arimo kale oo la xiriira cadaaladda.

Wasiirada wasaaradaha Amniga, Beeraha, Caafimaadka iyo Cadaaladda ayaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan wasaaradahooda, ayadoo intaa kadib ay goluhu ka doodeen Miisaaniyadda sanadda 2018 oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaraddaasi Mudane C/rashiid Jire Qalinle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa u sharaxay golaha wasiirada Miisaaniyadda uu soo gudbiyay iyo waxa ay kaga duwantahay sanadkii hore, isagoo sheegay in Miisaaniyadda sanadkan lagu saleeyay dakhliga dowladda oo meelo kala duwan ka imanaya.

Intaa kadib ayay goluhu si gacan taag ah ku meelmariyeen Miisaaniyadda.

Dhinaca kale, golaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) oo ka warbixiyay kulan ay yeesheen golaha amniga dowlad goboleedka Jubaland iyo qorsheyaasha wasaaradda ee dhanka amniga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.