Golaha wasiirada Jubaland oo meelmariyay Miisaaniyadda sanadda 2018
Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Kulanka Todobadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland maanta waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, miisaaniyadda iyo arimo kale oo la xiriira cadaaladda.
Wasiirada wasaaradaha Amniga, Beeraha, Caafimaadka iyo Cadaaladda ayaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan wasaaradahooda, ayadoo intaa kadib ay goluhu ka doodeen Miisaaniyadda sanadda 2018 oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaraddaasi Mudane C/rashiid Jire Qalinle.
Wasiirka Maaliyadda ayaa u sharaxay golaha wasiirada Miisaaniyadda uu soo gudbiyay iyo waxa ay kaga duwantahay sanadkii hore, isagoo sheegay in Miisaaniyadda sanadkan lagu saleeyay dakhliga dowladda oo meelo kala duwan ka imanaya.
Intaa kadib ayay goluhu si gacan taag ah ku meelmariyeen Miisaaniyadda.
Dhinaca kale, golaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) oo ka warbixiyay kulan ay yeesheen golaha amniga dowlad goboleedka Jubaland iyo qorsheyaasha wasaaradda ee dhanka amniga.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Kulan Cilmiyeed ku saabsan xaalada Caafimaad ee dalka oo Muqdisho lagu qabtay
- Siddeed ruux oo ku dhaawacantay Qarax lala eegtay ciidamada Puntland magaalada Boosaaso
- Maxkamadda Mandhera oo xabsi dheer ku xukuntay Nin ka tirsanaa Ururka Al-shabaab
- Wasaaradda Maaliyada DF Soomaaliya oo hergalisay hab cusub oo ciidamada mishaar lagu siin doono
- Wasaaradda Amniga oo mar kale u digay mas’uuliyiinta dowladda
- Kooxo hubaysan oo labo wiil oo Soomaali ah ku dilay Koonfur Afrika
- Tartanka cayaaraha Kubadda Cagta maamul gobolleedyada oo laga soo wareejiyay Kismaayo
- Xildhibaanno ka soo horjeestay habka loo soo magacaabay golaha wasiiradda Hirshabeelle
- Trump oo Ra’iisal wasaaraha Britain ku weeraray Twitterka
- Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgallaya shirka Iskaashiga Wadamada Africa
- Mareykanka oo beeniyay in weerarkii Barriire dad rayidka ah lagu dilay

