4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Tartanka cayaaraha Kubadda Cagta maamul gobolleedyada oo laga soo wareejiyay Kismaayo

 

Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) –Kaddib kulan hal maalin qaatay oo magaalada Muqdisho ku dhaxmaray wasaarada cayaaraha dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada ayaa leysku afgartay in tartanka kubadda Cagta maamul gobolleedyada loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho, halka markii hore qorshuhu ahaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Kulanka ka dhacay xalay magaalada Muqdisho loogana dooday qabashada tartankan kaddib markii la ogaaday in wali uusan diyaar ahayn garoonka magaalada Kismaayo ee hore loo qorsheeyay in uu ka dhaco tartankan.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen wasiiro ka socda maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa loogaga dooday sidoo kale xilliga uu dhacayo tartanka waxaana la isku raacay inaan wax laga bedelin jadwalka tartanka iyaaraha maamul goboleedyada dalka oo ku beegan 7da bisha December 2017.

Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo sanadkan diyaar garow badan laga sameeyay ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Bishii July ee sanadkii 2016-kii Tartankii Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maamulka Puntland, halka Jubbaland ay kaalinta labaad soo tiigsatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]