4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 30, 2017
Xildhibaanno ka soo horjeestay habka loo soo magacaabay golaha wasiiradda Hirshabeelle

 

Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka soo horjeesteen magacaabistii Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ee shalay uu sameeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen magacaabistii uu sameeyay madaxweynaha in ay aheyd mid mala awaal ah, maadaama ay ku eedeeyeen in uusan sameyn wadatashi, islamarkaana uu ku dhaqaaaqay go’aan maskaxdiisa ah.

Xildhibaan Cali Cismaan Ibaraahim [Cali Ciiley] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha ay horey ugu heshiiyeen in uu koobi doono Golaha Wasiirada, kuna soo xuli doono qaab cadaalad ah, balse dhammaan uu jebiyay qodobadii lagu heshiiyay, Hirshabeellana hada aysan xamili karin Wasiiiro tiro badan.

‘’Madaxweynuhu waxaa uu jabiyay dhamaan qodobadii lagu heshiiyay, waxaana ka mid ahaa in uu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh, waxaa uu magacaabay 57 wasiir oo maanta cid dhaqaale u heysa aysan jirin, sow ma’aha wixii madaxweyihii isaga ka horeeyay xilka looga qaaday’’ ayuu yiri xildhibaanka oo la hadlayay warbaahinta.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Gole Wasiir oo ka kooban 57 xubnood, iyadoo aanay ku jirin Wasaaradda Haweenka oo aanay wali cidna loo magacaabin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]