Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
Maraykanka Donald Trump ayaa Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in
ay diiradda saarto argagixisada UK ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii
faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka
Midig.
“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah
ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray
Twitterka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay
onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.
Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump
sidaa yeelo”.
Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay
leeyihiin “xiriir khaas ah”.
Trump Twitterkiisa waxaa ku taxan 40 milyan, muuqaalka uu sii faafiyayna
waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda
Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.
Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo
“goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah.
Twitterka hore ee Fransen ayaa lagu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo
weeraraya nin kale, waxaana sii raacay labo muuqaal oo kale Fransen uu ku
sheegay Muslimiin.
Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo
hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah
oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.
BBC