Khamiis, November, 30, 2017 (HOL) - Dowlada Maraykanka ayaa waxba kama
jiraan ka soo qaaday in dad rayid ah lagu dilay howlgalo laga fuliyay beer ku
dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August ee sanadkan.
Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen Milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in
dadka howlgalkaa lagu diley ay ahaayeen “Kuwo hubeysan oo Cadow ah”.
Warbixin ka soo baxday Taliska Maraykanka
gaar ahaan qeybta Africa ayaa cinwaan loogaga dhigay “Qiimeynta eedeymaha
dad Rayid Ah oo la diley 25kii August oo la soo saaray.”
“Kadib qiimeyn iyo baaritaano laga sameeyay howlgalo ay horkacayeen
ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo eedeymaha la xiriiray in dad rayid ah lagu
diley,Taliska Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Howlgalada Africa
(SOCAF) ayaa waxaa uu ku soo gunaanuday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen
cadow hubeysnaa.”ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ka hor inta aysan ciidamada
gaarka ah ee Maraykanka kana howlgala Afrika si wadajir ah u fulin saaxibadood
ay sameeyaan qorshe ballaaran oo loogaga feejignaanayo in dad rayid ah ay
howlgaladaa wax ku noqdaan.
Hase ahaatee dadkii lagu diley 25kii August sanadkan deegaanka Bariire xilli
aroor hore ayaa baaritaano ay dowlada Soomaaliyeed sameeyeen waxaa lagu sheegay
in dadkaas ay ahaayeen dad rayid ah isla markaana ay oggolaatay in dowlada ay
ka bixiso magdhow.
Taliyihii ciidamada Xoogga dalka ee xilligaas General Cirfiid ayaa sidoo
kale sheegay in dadka lagu diley Barriire ay ahaayeen dad rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]