4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2017
Doorashadii Dagmada 6aad ee Minneapolis uga dhaxaysay Cabdi Warsame iyo Maxamud Nuur oo shalay dib loo tiriyey

Kadib doorashadii dalkaan Maraykanka ka dhacday bishaan 7 deedii 2017 oo loogu tartamaayay kuraas kala duwan ayaa waxaa magaalaada Minneapolis xaga soomaalida aad loo hadal hayeye mid u dhaxaysa Cabdi Warsame iyo Maxamud Nuur iyadoo habeenimadii la shaaciyey in Cabdi Warsame ku guulaystay ,ayaa Maxmaud Nuur oo la tartamay uu codsaday in dib loogu noqdo tirada codadka isagoo sheegay in qalabkii Doorashada uu xumaaday qaladna uu jiro,

Inraa kadib shalay oo Talaado aheed ayaa la bilaabay dib u tirinta codadkii hore loo dhiibtay iyadoo gacanta lagu tirinayo goob fagaare ah ,waxayna bilaabatay subaxnimadii ,xaafadaha dagamada 6aad ee Minneapolis oo sagaal ayaa markii la tiriyey sadax ka mid ah aysan wax u kordhin halka uu ka dhimay 1 cod, intaa kadib ayaa qareenka Maxamuud Nuur ayaa codsaday in la joojiyo tirinta.

 Lama garanayo waxa sababay in qareenka ama taageerayasha Maxamud Nuur waxa ay u joojiyeen hawshii socotay ,ayaa dadka qaar waxay sheegayaan in lagu baajinayo qarashkii ku socday xafiiska doorashada Noor oo isagu bixin lahaa mar haduu codsaday qarashka ku baxaya dib u tirinta.

Mohamud Noor ayaa warbaahinta gobolka Minnesota u sheegay inuu sii wadi doono dacwadiisa uuna haysto cadeeymo sheegaya in dad aan daganayn xaafadda 6aad ee Minneapolis ay ka codeeyeen halkaas,

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay xafiiska Cabdi Warsame oo ku saabsan sidii shalay wax u dhaceen,waxaase la filayaa in doorashada ku dhawaaqideeda ay dhacdo maalinta Jimcaha , xafiiskana dib loogu dhaarin doono horaanta Janaayo 2018ka

Siyad Said Salah

Minneapolis MN

Hiiraan Online