4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2017
Soomaalida Minneapolis dagan oo looga digay khatarta dawooyinka soo haray oo loo isticmaalo muqaadaraad ahaan.

Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidanka Nabadgalyada ee Degmada Hennepin qaybta Sheriff ka Sheriff Rick Stanek ayaa todobaadkan kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed waxaana isaga iyo sarakiil ka tirsan xafiiskiisa uu ku saabsanaa sidii uu uga digi lahaa dadka Soomaaliyeed khatarta ka imaan karta Dawooyinka dhaqatarku u soo qoray qaybta ay isticmaaleen maahee inta ka soo hartay in caruurta iyo dadka isticmaala balwadaha ay ka dhigtaan daroogo taasoo keeni karta inay u geeryoodaan.


Rich Stanek oo uu barbar taagnaa Cabdi Maxamed oo loo yaqaan Cabdi Dheere oo ah Masuul u qaabilsan xafiiskaas qaybta Horemarinta iyo Wacyi galinta bulshada ayaa digay dhibaatooyinka laga dhaxlo dawooyinka oo si khaldan loo adeegsado. Waxaanu uu sheegay in dhibaatada laga qaado dawooyinka sida daroogada loo adeegsado aaney dadka kala soocin oo ay qof kasta ay dhibaatayso dad badanna ay u geeryoodeen.

 Dad badan oo dagan dalkaan Maraykanka, ayaa waxaa waxyeelo wayn ka gaartaa dawooyinka loo qaato xanuunka oo dadka qaar ay sidii daroogada oo kale u adeegsadaan, iyagoo isku muda (dura) nuucyo kale duwan. Waxaana badanaa dhacda in dhalinyarada daroogada wehelka ka dhigtay ay qaataan dawooyin loo qoray waalidkood oo nuucyo kala duwan ah oo inta ay isku daraan ay isku daroogeeyaan, sida ay isla qireen hay’adaha caafimaadka iyo ciidamada nabadgalyada ee gobalkan.

Masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa sheegay in sanadkii  2016kii kaliya waxaa dagmada Hennepin oo qura au ku dhintay 153 qof oo da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 98 jir oo  

Kulanka oo dadka ka soo qeyb galay ay u badnaayeen dadka waayeelka ah oo iyagu badanaa adeegsada dawooyinka loo qaato xanuunada kala duwan ee ay dhakhaatiirtu qoraan, ayaa lagu dhiiri

galiyey inay dawooyinka haraadiga ah amaba dhacay  ee aysan u baahnayn ay geeyaan goobaha loogu talogalay in lagu qubo.

Sidoo kalena waxaa ciidanka nabadgalyadu ay goobta keeneen baakado loogu talogaly in dawooyinkaas ciddii heysa looga qaado.

Jaaliyadda Soomaalida ee degmada Hennepin ayaa soo dhaweeyay ololaha madaxda dagmada ee lagu dabar goynayo dhibaatada daroogada,

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online

Minneapolis,MN