4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2017
Guri laga heystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo lagu wareejiyay carruurtiisa


Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in uu dib ugu soo celiyo dhul uu lahaa Alle ha u naxariisteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed carruurtiisa, dhulkaa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo in muddo ah laga haystay.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xalane oo goobta warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in tallaabadani ay meesha ka saareyso shakigii bulshada ku kala dhax jiray, dhinaca kalana muujineyso in Xamar la wadda leeyahay sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xassan Xaad, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in halkan [Muqdisho]  ay tahay caasimadda Ummadda Soomaaliyed, sidaa daraadeed ay wax wanaagsan tahay in qoyskii Cabdullaahi Yuusuf lagu wareejiyo dhulkooda.

Waa markii ugu horeysay oo qoys degenaa laga wareejiyo dhul uu lahaa mas’uul darajada ilaa heer madaxweyne ka gaaray, waxaana dhulkaa loo gacan galiyay xubno ka tirsan qoyska Alle ha u naxariisteen Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo dalka madaxweyne ka soo noqday.

Mustaf Hussien
[email protected]