4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2017
Duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Daacish-ka Soomaaliya

 

Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn habeen hore dayuuradaha Maraykanku ka geysteen duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari taasoo lala beegsaday fariisin kooxda Daacishta Soomaaliya ku laheyd deegaankaas.

Duqeyntaas ayaa waxaa ka soo baxayay illaa xalay warar sheegaya in lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Kooxda Daacish, iyadoo dowlada Somalia ay shaacisay magaca iyo darajada sarkaalkan.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay C/casiis Guure oo ahaa madaxda Saadka ee kooxda Daacish.

Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta uu ku sugnaa sarkaalkan oo ku dhow degmada Qandala lala helay gantaal ay soo rideen mid ka mid ah dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka.

Dhowr dagaalyahan oo ka tirsanaa ilaalada sarkaalkan ayaa iyana la sheegay in y ku dhinteen duqeyntaas ay fuliyeen dayuuradaha Maraykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]