4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2017
Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay Gantaal nooca riddada dheer ah

 

Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) - Kuuriyada Waqooyi ayaa mar kale labo bilood ka dib ah waxay tijaabisay gantaal ballastic ah, iyadoo Saraakiisha milateriga ee Kuuriyada koonfureed ay sheegeen in gantaalkani laga soo ganay mel u dhaw magaalada Pyongyang, uuna dul maray Bariga dalkaasi.

Khubaro ka faalooda arrimaha dalkaasi ayaa sheegay in xukuumadda Pyongyang ay horumarineyso gantaaladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog fog sida dalka Mareykanka.

Xarunta wasaarada difaaca ee Pentagon-ka Mareykanka oo ka hadlay tallaabadan ay qaaday Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in tani ay u muuqato inay tahay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha, waxaana la sheegay in gantaalkan ay riday Pyongyang uu socday masaafo dhan Kun kilomitir, kahor inta aanu kusoo dhicin badda Japan.

Pentagon-ka waxaa kale oo ay intaa ku dareen in gantaalkani uusan aheyn mid khatar ku ah xullafada Mareykanka iyo waqooyiga Mareykanka toona.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay tijaabada gantalkan ayaa sheegay in tani ay tahay xaalad la xakameyn karo.

Warbaahinta dalka Japan ayaa kusoo warantay in gantaalkani uu hawada kujiray wax ka yar saacad, waxaana ay intaa ku dareen inuu burburay kahor inta aanu dhulka kusoo dhicin.

Tallaabadan ay ku dhaqaaqday Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa cambaareeyay dowladda Japan. Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Shinzo Abe ayaa markii uu soo baxay warkan shir deg deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]