4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2017
Magacaabista golaha Wasiirada Hirshabeelle oo la filayo saacadaha soo socda

 

Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wadatashadii magacaabista xubnaha golaha wasiirada la leh mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqyo golaha wasiirada cusub.

Madaxweyne Waare ayaa dib ugu laabtay shalay magaalada Jowhar kaddib markii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne.

24ka saacadood ee nagu soo foolka leh ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo golaha Wasiirada iyadoo maalin kaliya ay ka harsan tahay waqtigii uu ugu daray Baarlamaanka Hirshabeelle in uu ku soo dhiso Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Golaha wasiirada cusub ee Hirshabeelle ayaa la filayaa in aysan ka soo dhex muuqan xildhibaanada Baarlamaanka kaddib markii uu Madaxweyne Waare uu sheegay in uu ka soo xulayo Golahiisa Wasiirada aqoonyahano aan ka mid ahayn xildhibaanada Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]