4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2017
Raggii Haweeneyda ku dilay Garasbaaley oo la qabtay

 

Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) – Maamulka Deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka warbixiyeen dil habeen ka hor kooxo hubeysan ay deegaanka  ugu geysteen Haweeney da’ aheyd.

Haweeneyda la dilay oo da’deeda lagu sheegay 65 sano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, waxaana ay horey uga tirsanaan jirtay ciidamada xoogga dalka, inkastoo sanado ka hor ay ka baxday.

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali Garyare ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Raggii dilay Haweeneyda oo ahaa laba Nin.

Wuxuu sheegay guddooomiyaha deegaanka Garasbaaley in aysan marnaba ugu dulqaadan doonin in falal amniga ka baxsan ay ka dhacaan deegaanka, wuxuuna balan qaaday in ay sharciga horgeyn doonaan raggan ay gacanta ku hayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]