4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 29, 2017
Xoogagga Al-shabaab oo weeraray deegaanka Lamu ee dalka Kenya

 

Arbaco, November, 29, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ee ka howlgala gudaha dalka Kenya ayaa weerar saf mar ah ah ku qaaday gelinkii dambe ee Talaadadii kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Booliska Kenya.

Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar dhabo gal ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamada Booliiska kuwaa oo ku socdaalayay Waddada xiriirisa deegaannada Wittu iyo Gamba oo ka wada tirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

War ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay Saddex Gaari oo ay wateen ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada.

Dhinaca kale Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta Larry Kieng ayaa Wakaaladda Xinhua u sheegay ciidamada Booliska in ay wadeen kolonyo Bas ah markii la weerarayay, wuxuuna tilmaamay dagaalamaayaasha weerarka geystay in ay ka soo baxeen Kaynta, laakiin waxaa uu beeniyay in gadiid la gubay.

Wuxuu sheegay weerarkan in lagu dilay laba Askari oo ka tirsan Kenya, laba kalena lagu dhaawacay, isaga oo tilmaamay Askarta dhaawacantay in ay xaalad halis ah ku jiraan, lana dhigay isbitaalka Lamu.

“Waxaan xaqiijinayaa in aysan wax khasaare ah gaarin shacabkii saarnaa Baska, dhammaan way bad qabaan, waxaan sameyn doonaa Ciidamo Boolis isku dhaf ah, kuwaasi oo dardar gelinaya dagaalka Shabaab” ayuu yiri Kieng.

Al-shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyay weerarro kala duwan ka geysanayay deegaannada dhaca xadka labada dal ay wadaagaan, iyaga oo marar badan oo hore weeraro khasaare ballaaran geystay ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen ciidamada Booliiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]