Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Madaxwayne Uhuru
Kenyatta ayaa wacad ku maray in uu xallin doono kala qaybsanaanta ka dib markii
xilka madaxwaynanimada loo dhaariyay markii labaad,xaflad ay qaadaceen
mucaardka.
Khudbad uu jeediyay ka dib
caleem saarka oo ka dhacday caasimadda Nairobi,waxa uu sheegay in uu la shaqayn
doono qaar ka mid ah fikradaha mucaaradka iyada oo la eegayo wadajirka.
Balse meelo ka mid ah
caasimada waxaa isku dhacay taageerayaasah mucaaradka iyo booliiska.
Hogaamiyaha mucaaradka Raila
Odinga, oo qaadacay doorashadii ku celiska ahayd bishii aanu soo dhaafnay,ayaa
ku tilmaamay xafladda "boqor isku caano shubay".
Mr Kenyatta ayaa dib loo doortay 26 October ,waxa uuna
helay 98% codadkii la dhiibtay,doorasho ay u soo baxeen 39%.
Doorashadii la qabtay 8 August
ayaa waxa waxba kama jiraan ka soo qaaday maxkamada ugu sareysa iyada oo loo
cuskanayo wax isdba marin dhacday.
Dad boqol kun ku dhow ayaa ka
qeybgalay caleemo-saarka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo ka dhacday
garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo qaada 60 kun, halka 40 kun kale ay dhalooyin
banaanka la suray ka daawanayeen.
BBC