4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2017
Koobka Ciyaaraha kubada Cagta ee Thanksgivenka ee Minnesota oo la soo gabagabeeyay VIDEO & SAWIRO

Talaado November, 24, 2017 (HOL) –Waxaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu sooo gabagabeeyay ciyaaraha Thanksgivenka ee sanadkii 3aad lagu qabanayo magaaladaas , ciyaarahaan oo socday mudo afar cisho ,waxaana ka soo qaybgalay sanadkaan 24 Kooxood oo ka kala yimi sagaal gobol oo ka tirsan Maraykanka ,waxaana soo qabanqaabiyey naadiga West Bank Athletic Club.

Waxaa ciyaarahaan Semifinel isagu soo haray Aldi St Cloud oo wajahday Faynuus FC iyo TC Stars  oo la ciyaarysay kooxda xifaaldkan adag ka dhaxeeyo ee Somali Tigers MN, waxaase ciyaartii finelka isagu soo haray Somali Tigers & Faynuus FC oo labaduba ka tirsan Minnesota

Ciyaartii finelka aheed oo ciyaar aad adag ayeey dad badan saadaalinaayeen in kooxda Somali Tigers ay koobka si fudud ku qaadan karto, maadaama ay ka khibrad badan yihiin Faynuus FC taasi maysan dhacin lakiin waxaa garoonkii ku boodbooday kooxda Faynuus FC oo 3 – 1 guushii kula dheelmatay koobkii quruxda badnaa ee meesha yaalay, iyagoo waliba ku darsaday Goolhayaha ugu wanaagsan iyo MVP oo lawada siiyey Ciro & Xanjo oo weerarka uga ciyaarayay FC Fayniis.


Ciyaarahaan ayaa lagu ciyaaraa garoonka dadan ee Twin City indoor Soccer oo ay maamulaan ganacsado Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah horena uga tirsanaa kooxaha ka dhisan Minnesota.

Madaxa Ciyaarahaan Ahmed Ismail iyo West Bank Athletic Club ayaa u mahadceliyey kooxahii ka soo qaybgalay ciyaarahaan iyagoo balanqaaday inay kuwa tartamadaan la mida ay sanadkii ku kala nool geesaha dalkaan Maraykanka hadii allaha awooda lahi uu ogolaado buu yiri Coach Ahmed.

Ciyaarahaan ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadwayne ah oo kala yimi magaaladda Minneapolis iyo magaalooyinka ku dhow dhow waxuuna ku soo idlaaday si Farxad iyo is marxabeen ku jirto.

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online

Minneapolis,Mn