Maxkamadda sare ee Somaliland oo sharciyeysay natiijaddii doorashada madaxtooyadda
Talaado, November 28,
2017 (HOL)- Maxkamadda sare ee Dastuuriga Somaliland ayaa maanta
ku dhowaaqday in doorashaddii madaxtooyadda ee ka dhacday Somaliland uu ku
guulaystay xisbiga kulmiye,isla markaana waxay shaaciyeen in aanay jirin wax
cabasho ah oo loo soo gudbiyey.
Maxkamadda
sare ayaa sheegtay in sharciga uu dhigayo in muddo todobo cisho gudahood oo ka
bilaabmaysa maalinta lagu dhowaaqay loo soo gudbiyo wixii cabasho ee ku aadan
natiijada hor dhaca ah ee guddida doorashooyinku ku dhowaaqeen,haseyeeshee aan
wax cabasho ah loo soo gudbin,isla markaana dib u eegeen natiijadii doorashadda
iyo nidaamki doorashaddu u dhacday taas ay ku soo saareen go’aan ah inay
sharciyeeyaan natiijadda hor dhaca ahayd oo ay hadda laga bilaabo ah natiijo
rasmi ah oo ay kala cadeeyeen sida loo kala guulaystay.
“Maxkamada
sare ee dastuuriga ah waxay ansixisay natiijada ku meelgaadhka ah ee doorashada
madaxtooyadda ee 2017-ka ee ay usoo gudbiyeen guddida doorashooyinku oo ah
sidan xisbiga UCID, 23,141 cod, una dhiganta 4.17%, xisbiga KULMIYE oo helay
305,909 cod una dhiganta 55.1% iyo
xisbiga WADDANI oo helay 226,092 cod, una dhiganta 40.73%, taas oo sharci ah in
xisbiga KULMIYE oo helay codadka ugu badan kuna guulaystay tartankii
doorashadda musharixiintiisuna ku guualysteen xilalka madaxtooyadda Somaliland,
kuwaas oo kala ah musharaxa kowaad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku
guulaystay jagadda madaxweynaha Somaliland, laba musharaxa labaad xisniga
kulmiye Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo ku guulaystay jagadda
madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye”ayuu yidhi gudoomiyaha Maxkamadda
dastooriga ah ee Somaliland Aadan Xaaji Cali.
Natiijadan ay
maxkamadda sare ku dhowaaqday ayaa noqonaya mid rasmi ah, iyadoo natiijadii
guddida doorashooyinku ahayd mid ku meel gaadh ah, waxaanay sheegeen inay dib u
hubiyeen xisaabtii codadka ee gobolada iyo degmooyinka iyo nidaamkii ay
doorashaddu u dhacday.
“waxa cadaatay
in aanay jirin wax cabasho ah oo ku saabsan natiijada ku meelgaadhka ah ee ay
ku dhowaaqeen guddida doorashooyinka Qaranka iyo guud ahaan hanaanka ay
doorashaddu u qabsoontay oo ay maxkamadda usoo gudbiyeen xisbiyadu mudadda
sharcigu dhigayo oo ah toddoba maalmood gudahood kana bilaabanta maalintii
natiijada hor dhaca ahayd lagu dhowaaqay sida ku xusan qodobka 66aad,faqrada
1aad xeer 20/2001”ayuu raaciyey gudoomiyaha maxkamadda.
Waxaanu intaas
ku daray “ maxkamaddu waxay hubisay
xisaab ahaan iyo nidaam ahaanba qoraaladda raadraaca ah ee xafiiska
guddida doorashooyinka qaranka, iyo natiijada ku meel gaadh ah ee gudida
doorashooyinka ku dhowaaqeen 21-kii bisha November,2017”
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.