4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Wafdi ka socda dowladda Qatar oo soo gaaray magaalada Muqdisho


Talaado, November, 28, 2017 (HOL) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga Guddaha Mohamed Abukar Isloow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mahad Da’uud ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Khalifa Jassim Al kuwari oo ah agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.

Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban ilaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre Khaire.

Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriirro kala duwan oo wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah.

Soo dhoweynta wafdigan ayaa waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Cali , Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Yuusuf Calasow Maxamuud Kusimaha Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Maxamed Cabdi Cali iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]