4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Munaasabad sagootin ah oo xarunta Dowladda Hoose ee Xamar loogu sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti


Talaado, November, 28, 2017 (HOL) – Munaasabad sagootin ah ayaa loogu qabtay Aqalka dowladd hoose ee Xamar guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu horkacayo oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaaadir, waxaana ka qeyb-galay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Wasiiro, Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiinta sare ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Guddoomiye Xumud iyo wafdigiisa mar kale ku soo dhaweeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka sheekeysay kaalinta dowladda Jabuuti ay ku lahayd dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumud oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale sheegay in shacabka labada magaalo ee Jabuuti iyo Muqdisho ay yihiin dad walaalo ah.

Prof Jawaari oo ka hadlay munaasabada ayaa dhiniciisa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan siddii uu dalku u noqon lahaa mid xasiloon.

Sidoo kale dhalinyarada waxa uu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan sidii talada dalka guud ahaan ay ula wareegi lahaayeen oo ay u muujin lahaayeen kaalintooda.

Mustaf Hussien  
[email protected]