Booliiska Australia oo xabsiga dhigay Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto falal argagixiso
Talaado, November, 28, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska Australia ayaa
sheegay in xabsiga la dhigay Nin dhalinyaro ah oo Asal ahaan ka soo jeeda
Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay weerarro ka dhan ah dadka
Australianka ah xilliga Ciidda Masiixiga.
Qofkan la xiray oo aan magaciisa ilaa iyo hadda la shaacin ayaa laga soo
qabtay guri uu ka deganaa halka lagu magacaabo Werribee, oo qiyaastii 32
kilometers Koofur Galbeed ka xigta magaalada Melbourne halkaa oo uu kula
noolaa waalidkiis.
Shane Patton oo ah Taliye ku xigeenka
Booliska Melbourne ayaa sheegay in Ninkan uu qorsheynayay in uu weerar ku qaado
fagaaraha Federaalka ee bartamaha magaalada marka ay dadka isugu yimaadaan
isaga oo adeegsanaya qoryaha tooska u dhaca.
Ma jiro hub lagu soo qabtay Ninkan,waxaana kaliya la tuhmayaa in uu taageero
Daacish oo ku hanjabtay in ay weerarro ka geysaneyso Dalka Australia.
Ninkan ayaa la sheegay in maxkamad la soo taagayo maanta oo Talaado
ah, waxaana loo heystaa xiriir dhinaca Internetka ah oo uu la leeyahay Alqaacidda iyo
Daacish.,
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]