4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Mareykanka oo mar kale weerarray xoogagga Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya

 

Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM Qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegy in ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya Duqeyn la beegsadeen xoogag ka tirsan Ururka Daacish, kuwaa oo ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan Puntland.

Saraakiisha Miliytariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay sida ku cad Qoraalkooda in duqeyntaasi lagu dilay horjooge k atirsanaa Kooxda Daacish ee bartilmaameedka uu ahaa.

Col. Cali Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa faah faahiyay sida ay duqeynta u dhacday iyo wixii ay halkaasi ku arkeen.

“Waxaa weerarka uu ka dhacay Buuralayda ku dhaw dhaw degmada Qandala,waxaanu maqalnay Guuxa hub culus, kooxihii wey ka carrareen halkaa markii la duqeeyay,waxaan booqanay goobtii duqeyntaasi ka dhacday,waxaan halkaasi ku aragnay Meydadka dad dhintay” ayuu yiri Col Cali Cabdi.

Sidoo kale warka Qoraalka ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale Mareykanka uu sheegay in uu xoojinayo taageerada uu siiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Waa markii labaad oo duqeyn loo geysanayo ururka taageersan Daacish ee Soomaaliya bishan, hasse yeeshee duqeyntan ayaa ku soo beegantay xilli Al-shabaab sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah diyaaradaha wax basaasa ee Dronka loo yaqaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]