Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Wasiirka
Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa la kulmay Madaxweynaha
Seychelles Danny Faure, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal u dhaxeeya.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Seychelles uu soo dhoweyn wanaagsan
kala kulmay, isla markaana xusay inuu ku faraxsan yahay inuu qaabilo wafdi ka
socda Soomaaliya.
“Madaxweynaha Seychelles wuxuu inoo sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdi Soomaaliya ka socda oo heerkan ahi uu dalkiisa soo booqdo,
waxaa uu ii sheegay in weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen
Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo
shacabka Seychelles ay qabaan, Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan
yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u
dhiirranayd”ayuu yiri Wasiir Yuusuf Garaad.
Yuusuf Garaad ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Seychelles is bedeladdii u
dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya iyo hormarka dowladda ka sameyneyso dhinaca
maamulka iyo dhismaha hey’adaha dowladda.
“Waxaan isla qirnay sida loogu baahan yahay in ay
labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta
India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu
xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan
yahay in si nabadgelyo leh looga faa’iideysto”ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen maxaabiista Soomaaliyeed ee
ku xiran Seychelles, sidii Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa.
Yuusuf Garaad ayaa sheegay in uu sidoo kale la kulmay Sii hayaha Xeer
Ilaaliyada Seychelles, isla markaana ay ka wada hadleen suurta galnimada in
Qareen Soomaaliyeed oo u doodo lix eedeysan ee Soomaalida ah, marka dacwadooda
la qaadayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]