4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Dagaallo culus oo dhaxmaray Soomaalida iyo Oromada dalka Itoobiya

 

Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in tiro ka badan 20 ruux lagu dilay dagaalo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labadan Qowmiyadood uu u dhaxeeya muran dhinaca sohdinta deegaannada labada qowmiyadood ay deegaan, gaar ahaan deegaannada Ismaamulka labada dhinac.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dad ka badan 100 ruux ay ka soo xireen deegaanada Oromada degto.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Oromada ayaa bishii April ee sanadkan gaaray heshiis lagu soo afjaro colaada u dhaxeysa labada dhinac.

Dagaalada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa bishii September ee sanadkan ku barakacay Kumannaan Kun oo ruux, kaddib markii dagaalada ay ku sii fideen deegaanno hor leh.

Dowladda Itoobiya ayaa horay ciidamo Milateri u geystay deegaanada lagu muransan yahay ee xadka labada dhinac, si ay u kala dhex galaan, hasse ahaatee illaa iyo hadda waxaa socda dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]