4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo booqday safaarada Soomaaliya ee dalka Saudi Arabia


Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku sugan magaalada Riyad ee dalka Saudi Arabia ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyad ee Boqortooyada Sucuudiga.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato bulshada Soomaaliyeed, kadibna waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha. Isagoo ku boggaadiyey howlaha muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed u hayso safaaraddu.

“Waxaa fursad u helnay in aan booqano Safaaradeedna Soomaaliya ee ku taalla Boqortooyada Sucuudiga,waxaana la kulmay diblumaasiiyiin iyo madax u bisil una tababaran howsha loo idmaday, waana ku ammaanayaa dadaalkooda Soomaalinimo iyo sida ay uga go’an tahay in ay kaalin mugleh ka qaataan soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ka qeybgallay shir ay halkaa ku yeesheen ilaa 41 dal oo looga hadlay arrimo la xiriira la dagaalanka kooxo Argagixisada, waxaana safarkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]