4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Haweeyney da’ah oo xalay lagu dilay Gurigeeda deegaanka Garasbaaley ee dulleedka Muqdisho

 

Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay waxaa ay ku toogteen Gurigeeda oo ku yaala deegaanka Garasbaaley ee dulleedka Muqdisho haweeney lagu magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan.

Haweeneyda la dilay oo sida warar soo baxaya sheegayaan ka tirsanaan jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa da’deeda lagu sheegay 65 Sano jir, waxaana dadka deegaanka sheegeen in lagu dhex dilay hoygeeda.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxa ay gaareen dilka kadib goobta, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay, inkastoo ilaa hadda aanan la sheegin cid loo soo qabtay falkaasi.

Dilalka noocan oo kale ah ma’aha wax ku cusub caasimada iyo deegaannada ku dhaw dhaw, waxaana dhowr jeer oo hore sidan oo loo bartilmaameedsaday xubno isugu jira rag iyo dumar ka tirsan qeybaha bulshada kuwaa oo qaarkood siyaabo kala duwan ugu lug lahaa dowladda federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]