4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 28, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka Uhuru Kenyatta

 

Talaado, November, 28, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in uu maanta halkaa uga qeybgalo munaasabada caleemo saarka madaxweynaha mar kale la soo doortay Uhuru Kenyatta.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.

“Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo bishii Maarso ee sanadkan ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Kenya si loo xoojiyo xiriirkaas, haatanna waxaa uu ka qeyb galayaa caleema-saarka madaxweyne Kenyatta.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Munaasabada calleemo saarka madaxweyne Uhuru Kenyatta sidoo kale waxaa ka soo qeybgali doona madax ka kala socta Qaarada iyo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, sidoo kale waxaa la filayaa in ay yimadaan wakiil ka socda caalamka intiisa kale.

Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay in uu qaaadan doono muddo hal cisho ah waxaana maanta oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaasha qaaradda Africa iyo caalamka ee ka qeyb galaya caleema-saarka.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]