4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhaw u anbabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

 

Isniin, November, 27 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo Talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay in ay ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo dhaarinayo madaxtinimada dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]